Aroornimadii hore ee saaka waxey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab dagaal culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin ay ka sameysteen deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Saldhigan ayaa difaac u ah xarumaha Murtadiinta iyo Kufaarta ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo,waxeyna Daynuunaay magaalada Baydhabo u jirtaa 19-KM dhanka Konfur Bari.
Dagaalka markii muddo kooban uu socday ayeey maleeshiyaatka Murtadiinta bilaabeen iney isaga cararaan saldhiga waxeyna u baxsadeen dhanka magaalada Baydhabo.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Daynuunaay,waxeyna Mujaahidiinta gacanta ku dhigeen Saanad Ciidan oo aad u fara badan taasi oo Maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Konfur Galbeed kaga carareen saldhigaasi.
Halkan Ka Dhageyso Xog Dheeri Ah.
Calamada.com