Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa dagaalkii cuslaa ee galinkii dambe ee shalay ciidamada Mujaahidiintu ay ku qaadeen deegaanka Cado kibir oo qiyaastii 50-km u jira degmada Cadaado ee wilaayada Galgaduud ee bartamaha dalka soomaaliya.
Marka laga soo taga in mujaahidiintu dagaalkaas kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka sidoo kale waxaa jirta khasaara xoogan oo isugu jirta naf iyo maal oo murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii shalay galab ka dhacay deegaanka Cado kibir lagu dilay shan murtad oo ay labo saraakiil tahay kuwaasi oo kala Gaashaanlle sare Gasaawa oo ahaa taliyihii ciidanka Lugta ee qeybta 21-aad iyo sidoo kale gaashaannle sare Cali cagawayne oo ahaa Taliyihii guutada 13-aad ee qeybta 21-aad ee maleeshiyaatka ridada.
Sidoo kale dagaalkaas waxaa ku dhaawacmay saddex murtad uu ku jira Janaraal Cigaal oo ahaa taliyihii qeybta 21-aad ee murtadiinta, Waxeyna Mujaahidiintu dagaalkaas ku ganiimeystay hub iyo agabyo kale oo uu ku jira qori PKM ah.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Warbixinta Oo Dhameystiran.
Calamada.com