Maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka ayaa si bareer ah deegaanka Golaleey oo hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe ugu xasuuqay dad shacab ah.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa dilay Sideed ruux oo shacab ah kuwaasi oo askarta dowladda Farmaajo maalin ka hor ka qafaasheen deegaanka Golaleey. Waxeyna meydadka Siddeedaas ruux soo dhigeen banaanka deegaanka.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa qiray in dadkaasi maatida ah ay si bareer ah u xasuuqeen maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Xasuuqa Ka Dhacay Golaleey.
Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Dadka Shacabka ah ee Dowladda Farmaajo ay xasuuqday.
1-Nuur Xaaji Gaas
2-Yuusuf Ayuub
3-Abuukar Muuse Maaxi
4-Muxamed Cumar Boore
5-Cabdi Risaaq Cabdullaahi Qooble
6-Cali Axmed Cali
7-Cabdi Casiis Cabdi Qaadir Cabdulle
8-Cumar Xuuti Maxamuud.
Calamada.com