Maalmihii u dambeeyay waxaa cirka isku shareeray hadallada weerarka ah iyo kuwa jawaab celinta ah ee ay fagaarayaasha iyo warbaahinta isu marinayaan madaxda kooxda Riddada Somalia iyo kuwa maamul goboleedka ashahaado ladiriirka ah ah Puntland, taas oo ka mid ah fashiladii ugu xumaa ee ay la kulanto xukumadda Riddada ah ee Xasan Gurguurte oo lugaha lasii galaysa sannadkeedii labaad, Khilaafka murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo murtad Siciid Dani ayaan ahayn mid hadda uun billawday balse wuxuu soo tixnaa tan iyo markii uu murtad Gurguurte ra’iisul wazaarihiisa u magacaabay Xamze Cabdi Barre.
Mudada sannadka ah ee uu Villa Soomaaliya joogo murtad Xassan Sheekh waxa uu maamul goboleedkaan uu ahaa inta badan mid ka maqan shirirka kooxda Riddada iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo madaxda Puntland ay si qayaxan u diideen saxiixa heshiisyada qodobbo dhowr ah oo uu soo saaray madaxa kooxda Riddada.
Haseyeeshee khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac ayaa si aad ah usoo shaac baxay toddobaadyadii u danbeeyay, kolkaas oo ay billaabeen madaxda Riddada iyo kuwa Puntland in ay isugu jawaabaan fagaarayaasha iyo warbaahinta.