Warqoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa si horudhac ah loogu faahfaahiyay duullaanka barakaysan ee ay saaka ciidamada mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhiga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Ruunirgood ee dhaca wilaayada Sh/dhexe.
Taliska ciidamada ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mujaahidiintu salaaddii subax ka dib ay weerar culus ku qaadaan saldhigga maleeshiyada Riddada ee degmada Ruunirgood ayna halkaasi Allaah fadligii ku jabiyaan maleeshiyaadka Riddada gacantaan ku dhigaan dhamaan gaadiidkii ciidan, hub iyo saanad milatari oo ay murtadiintu kaga carareen saldhigga.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Sabti ah, 3-da bisha Ramadaan 1444H, weerar xooggan ku qaadeen saldhiga maleeshiyada ridada ah ay dhawaan ka samaysteen degmada Ruunirgood ee wilaayada Shabeellaha Dhexe. Weerarka oo billawday salaada Fajarka kadib waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee degmada Ruunirgood, waxaana Allaah mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada difaaca shareecada Islaamka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo gaaray cadawga Islaamka ee murtadiinta ah, sidoo kale waxay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii ciidan, hub iyo saanad milatari, ee murtadiintaas u yaallay degmada Ruunirgood. Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha-Allaah”. waxaa sidaas lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada mujaahidiinta oo uu ku saxiixnaa afhayeenka ciidanka Sh Cabdicasiis Abuu Muscab.