Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba-kutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Andalus kaga hadlay weerarkii maalmo ka hor cagta lagu mariyay saldhiggii maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud.
Sheekh ayaa marka hore ka hadlay waxay wilaayadiisu kaga dhigan tahay weerarkii lagu soo afjaray maleeshiyaadkii Riddada ee Masagwaay, waxa uu sidoo kale ka hadlay sababta uu Murtad Xassan Gurguurte ciidamada Riddada ugu soo dirayo furumaha dagaalka ee lagu xasuuqayo.
Sidoo kale Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade ayaa farriin muhiim ah oo waxgal ah u diray maleeshiyaadka murtadiinta ee weli ku harsan safka difaaca saliibka, isagoo ugu baaqay inay Allaah usoo laabtaan, Sheekh Yuusuf ayaa sidoo kale ballan qaaday inay maamullada islaamiga ah soo dhawayn doonaan cid kasta oo ka towbad keenta falka gaalnimo ee ay ku dhacdo loona lacagayn doono hubka ay lasoo goosato.