Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh.dhexe, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga Al-andalus kaga warbixiyay howlgalladii dhacay maanta iyo shalay, kuwaas oo si wayn loogu naafeeyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Sheekha ayaa soo hadal qaaday weerarkii mujaahidiintu kula wareegeen Boos-hareeri, dagaalladii shalay ka dhacay duleedka deegaanka Ceel Cali Axmed iyo dagaalladii culus ee maanta ka dhacay duleedka deegaanka Ceel-baraf ee wilaayada Sh/dhexe, dagaalladan ayaana jab laxaad leh loogu gaystay murtadiinta.