Xilli ay ciidamada mujaahidiintu ay taqadum ballaaran ka sameynayaan deegaano iyo degmooyin katirsan wilaayada islaamiga Sh/dhexe ayay saraakiil katirsan murtadiinta ku dhawaaqeen in ay isaga baxayaan furimaha dagaalka.
Maleeshiyaadka murtadiinta ee ku sugnaa dhanka Bari ee wilaayada Shabeellaha dhexe gaar ahaan inta u dhaxaysa deegaannada Caddaan Laxeey iyo Nuur Dugle ayaa ku cataabay in ay isaga baxayaan dagaalka sababa laxiriira iyagoo ubabac dhigi waayay weerarada mujaahidiinta iyo futuuxaadkii ay mujaahidiintu ka sameeyeen deegaannada Alkowsar, Daarunicma, Boos Hareeri iyo Ceel Cali Axmed.
Saraakiisha murtadiinta oo warbaahinta lahadlay ayaa qiray in kooxda Riddada ah ay ku jabtay dagaalka sidaas daraadeed ay iclaaminayaan in xilligan aysan la dagaallami karin mujaahidiinta.
Murtadiintan ayaa ka argagaxay dagaallada culus ee ay ciidamada mujaahidiintu ka galeen dhowr deegaan oo ka tirsan Sh/dhexe iyagoo hadda garwaaqsaday in uu sii dhacayo gabalka murtadiinta, islamarkaana calanka towxiidka laga taagay inta badan degmooyinkii iyo deegaannadii murtadiintu qabsadeen tan iyo markii xassan Gurguurte uu iclaamiyay xamlada ka dhanka ah wilaayaadka islaamiga ah.