Kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa kusoo gaba-gaboobay deegaanka Booco ee dhaca Bariga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Beesha Xawaadle ayaa si adag uga hadashay duullaanka cusub ee murtadiintu kusoo qaadeen bariga Hiiraan oo ay degto beesha Xawaadle, waxeyna odayaashu shaaca ka qaadeen inay hubkooda lasoo baxeen oo ay la dagaalamayaan murtadiinta duulaanka ah. waxay dhanka kale fariimo adag u direen hoggaanka murtadiinta iyo saraakiisha horkaceysa duulaanka cusub.
Hoos ka dhagayso codadka kalimaadka laga jeediyay kulanka usoo gabagaboobay odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle ee ka dhacay deegaanka Booco.
Dhagayso Kalimadda naqiibka guud ee beesha Xawaadle naqiib Xaaji Cabdiraxmaan Xiirey.