Maanta oo kale 7-da bishii October 2023-kii, kooxaha muqaawamada ree Filistiin ayaa duullaan ballaaran oo isdibaaqi ah ku qaaday deegaannada Yahuuddu saldhigyada iyo degsiimooyinka ka samaysteen ee dhaca duleedka magaalada Gaza.
Weerarkan oo ah mid looga hortagayay duullaan ciidanka Yahuuddu qorsheynayeen inay kusoo qaadaan marinka Gaza, si ay u fushadaan danahooda gurracan ee dhulballaarsiga iyo sidoo kale ku dhisan boobka dhaqaale iyo curyaaminta dadka muslimiinta ah, ayaa dhaliyay khasaare aad u wayn oo la gaarsiiyay sahaayinda, maxaabiis caguhu ku cuslaadeen oo cararkii gabayna gacanta looga dhigay.
Haddaba warbixintan oo la dhagaysan karo qadar 10 daqiiqo waxay Andalus kusoo bandhigtay inta uu la egyahay khasaaraha nafeed, midka maaliyadeed iyo midka maskaxeed ee ciidamada maamulka Yahuudda lagu gaarsiiyay duullaanka Duufaanta Al-aqsaa ee sannad jirsaday.