Wadeyaasha gaadiidka ee ka howlgala gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa cabasho ka muujiyay isbaarooyin tira beel ah oo maleeshiyo ka tirsan Riddada iyo kuwa mooryaan ah ay soo dhigteen duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Isbaarooyinka oo ay sheegeen inay yihiin kuwa aan tirakoob lahayn ayay tilmaameen inay yaallaan inta u dhaxayso degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, halkaas oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah.
Mid ka mid ah wadeyaasha gaadiidka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in gaadiid fara badan ay ku xayiranyihiin inta u dhaxayso degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, qarkana ay u saaranyihiin inay gabi ahaanba joojiyaan isticmaalka waddadaasi.
Wuxuu sheegay in isbaaro walba wadeyaasha gaadiidka lagu qasbo inay bixiyaan lacago xad-dhaaf ah, haddii ay diidaanna oodda looga qaadayo rassaas nool nool.
Maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia ayaa caan ku ah lacagaha baadda ay ka qaadaan dadka shacabka ah, inta badan wadeyaasha gaadiidka ee isaga kala goosha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaana dhibbane u ah isbaarooyinka tira beelka ah ee murtadiintu ku dhacaan dadka socotada ah.