Kitaabka Aadaabul-mucallimiin waa mid ka mid ah duruusta ramaaniga ah ee idaacadda islaamiga ee Al-andalus ay bishan barakaysan ee Ramadaan ugu talagashay dhagaysteyaasheeda, insha’Allaah waxaannu isku dayi doonnaa in aan si maalinle ah idinku soo gudbinno.
Kitaabku waa mid ku saabsan Aadaabta iyo akhlaaqiyaadka looga baahan yahay mucallimka haya Dugsiga Qur’aanka kariimka, waxaana kitaabka iska leh Muxammad Ibnu Saxnuun Al-maaliki Raxmatullaahi caleyhi, waxaana akhriyay Sheikh Cazaam Abuu Yazya oo ka mid ah culimada wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya.
Halkan Ka Dhagayso Darsiga 1-aad ee Kitaabka Aadaabul Mucallimiin.