Idaacadda islaamiga Andalus waxay xalay Allaah fadligiis si rasmi ah u daahfurtay barnaamijka Tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan ee sannadkan 1446H oo ah barnaamij xiiso badan oo looga bartay idaacadda, kuna tartamaan bulshada muslimka ah.
Barnaamijkan xiisaha badan, waxaa Ramadaantan ku tartami doono majmuucaad ka kooban 11, kuwaas oo u kala tartami doono 11-ka wilaayo ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana majmuucaadkan sannadkan tartami doono loo qaybiyay majmuucada (ALIF), oo lix wilaayo u tartamaya iyo majmuucada (B) oo shan wilaayo u tartami doono, tartan aqooneedka idaacadda ayaana billaabmi doona habeenka 2-aad ee Ramadaan oo ah caawa oo Axad ah Insha’Allaah.
Halkan Ka Dhagayso Daahfurka Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus 1446 Hijri.