Muddo-xileedka labaad ee Trump iyo Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ma kor bay u qaadaysaa ammaanka mise waxay sii kordhinaysaa khilaafka? Waa ibo-furka warbixin uu soo gudbiyey Machadka HORN International Institute for Strategic Studies oo sameeya cilmi-baarisyo madax-bannaan isla markaana falanqeeya arrimaha amniga, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Geeska iyo guud ahaan Bariga Afrika, fadhigiisuna yahay magaallada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Warbixintan oo salka ku haysa daraasad uu machadkani sameeyey ayaa ugu horreyn ka sheekaysay marxaladihii uu soo maray hawl-gallada ashahaado-la-dirirnimo ee muddada ka badan 30-ka sano uu Maraykanku ka waday dalka Soomaaliya iyo jabkii gaaray 1993-kii oo ay ku sifaysay warbixintu inay ahayd musiibadii ciidamada Maraykanka ku sandullaysay inay dib uga gurtaan dalka Soomaaliya.
Muddadaasi wixii ka dambeeyey hawl-gallada Maraykanku waxay u badnaayeen duqaynta diyaaradaha oo sii xoogaystay muddo-xileedkii hore ee Donald Trump. Waxaanu taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM uu fuliyay in ka badan 200 oo weerar intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2021, kuwaas saddex jeer ka badan ayay tiri warbixintu, isu-geynta wadarta guud ee duqaymihii ay fuliyeen Madaxweyneyaashii soo maray Maraykanka ee Bush, Obama iyo Biden.
Machadku wuxuu sheegay in Amnesty International ay diiwaangelisay kiisas badan oo ku saabsan dad rayid ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarradaasi, taasoo kor u qaadday welwelka ku saabsan xad-gudubyada ka dhanka ah waxa loogu yeero sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.
Inkastoo la doonayay in weerarradaasi lagu wiiqo Al-Shabaab haddana weli lama hubo waxtarka habkan, sida laga soo xigtay Xarunta Afrika ee Daraasaadka Istiraatiijiga ah, taas bedelkeedana waxay warbixintu sheegtay in 17% ay kor u kaceen hawl-gallada ay fuliyaan xoogagga Al-Shabaab kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka ee 2021.
Machadku waxa uu sidoo kale xusay in ku-tiirsanaanta duqeymaha cirku ay sii xumeysay caqabadaha amniga iyo walaaca bini’aadantinimo ee ka jira gobolka. Iyadoo intaasi ay dheer tahay soo noqoshada awoodeed ee xarakada Al-Shabaab taas oo madaxweyne Joe Biden ku qasabtay inuu dib u soo celiyo 500 oo askari oo Mareykan ah.
Warbixintu waxay soo hadal-qaadday soo laabashada Donald Trump, iyadoo su’aal gelisay waxa ka dhalan kara dibu cusboonaysiinta hawl-gallada millateri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya oo ay sheegtay in mustaqbalka fog ay saamayn ku yeelan karto xasiloonida gobolka iyo xaaladaha bani’aadamtinimada.
Waxa kale oo warbixintu ka dhawaajisay in ay jiraan walaacyo laga qabo in xoojinta duqaymaha cirka ee Maraykanka ay ka dhalan karaan weerarro aargoosi ah oo ka imanaya xoogagga Mujaahidiinta, taas oo suuro-gal ah inay sii kordhiso qolqolatooyinka iyo colaadaha hareeyey gobolka.
Intaa waxa dheer ayay tiri warbixintu, in ururrada bini’aadantinimadu ay walaac xooggan ka muujiyeen xeeladaha millateri ee gardarrada ah oo ay sheegeen inay horseedi karaan dhaawacyo iyo barakac dheeraad ah oo ku yimaadda dadka rayidka ah.
Warbixintu waxa kale oo ay ka dhawaajisay in Maraykanku uu ku guul-daraystay duullaannadii iyo faro-gelintii uu toboneeyada sanno ku hayay dalka Soomaaliya. Taa bedelkeedana waxaa caddaatay ay tiri warbixintu adkaysiga ay muujiyeen mujaahidiinta Al-Shabaab. Iyagoo la qabsanaya xeeladahooda isla markaana ilaashanaya hab-socodka hawllahooda shaqo ee xooggan.
Muddo-xileedkii hore ee Donald Trump ayay warbixintu tusaale u soo qaadatay, waxaanay sheegtay in xilligaasi Maraykanku uu si weyn u kordhiyey hawl-galladiisa millateri balse dhammaantood ay kusoo idlaadeen hal bacaad lagu lisay.
Machadka HORN International Institute for Strategic Studies ayaa isagoo sii lafa-guraya warbixintiisan waxa uu sidoo kale carabaabay in Maraykanka iyo xulafadiisa midkoodna horumar la taaban karo aanu ka gaarin duqaymihii cirka iyo maal-gelintii barbar socotay ee ka dhanka ahaa mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ugu dambayntii machadku waxa uu hoosta ka xariiqay sida loogu guul-daraystay hawl-galladii millateri ee muddada badan ka socday dalka Soomaaliya. Waxaanu gunaanadka cilmi-baaristiisan ku taliyey isla markaana uu tilmaamay in xalka lagu gaari karo oo kaliya qaab siyaasadeed oo ka maran awood ciidan.