Dagaallo culus oo lagu jabiyay maleyshiyaadka murtadiinta ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka Ceelbaraf oo ka tirsan wilaayada Sh/dhexe, waxaana halkaas khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada.
Dagaalladan waxaa Allah fadligiis si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay laba askari, mid kalena waa lagu dhaawacay.
Dhanka kale magaalada Ceelbaraf ee maanta duleedkeeda lagu dagaallamay waxaa si buuxda gacanta ugu haya oo ku sugan ciidamada mujaahidiinta oo maalma ka hor la wareegay, xaaladda magaalada ayaana ah mid dagan, iyadoona raayada Tawxiidku ay ka dul babaneyso.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu galabta qarax la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa degmada Baraawe ee wilaayada Sh/hoose, waxaana jira khasaare gaaray murtadiinta.