Dagaallo xooggan si ba’an loogu xasuuqay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya,
Dagaalka ugu horreeya oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Budbud ee wilaayada Galgaduud ka dib markii ay ciidamada mujaahidiintu weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa afaafka hore ee degaanka Budbud, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi lagu dilay 11 askari, maleeshiyaadkii murtadiinta ee dagaalkaasi lagu dilay waxaa ka mid ahaa Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Nuur oo ahaa taliye urur ka tirsan maleeshiyaatka Riddada Baangaraafta.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu weerarkaasi kusoo qaniimeysteen 2 qori oo RBG ah, qori BKM ah, iyo qori Ak47 ah, kuwaas oo ay goobta dagaalka kaga carareen maleeshiyaadka Riddada.
Weerarka kale oo ahaa mid xooggan waxay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen maleeshiyaadka Riddada Gorgor oo ku sugnaa deegaanka Cali Yabaal ee duleedka degmada Ceeldheer ee wilaayada Galgaduud, waxaana la xaqiijiyay in uu jira khasaare xooggan oo gaaray murtadiinta.