Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada ayaa maanta waxay ka dhaceen bacaadka Faarax Aadan ee dhaca duleedka magaalada Xarardheere ee wilaayada Mudug ee dhacda bartmaha dalka Soomaaliya.
Dagaalladaan ayaa Allaah fadligiis waxaa lagu jabiyey maleeshiyada murtadiinta, waxaana inta la xaqiijiyay halkaas lagu dhaawacay afar askari oo murtadiin ah.
Dagaallada maanta ka dhacay wilaayada Mudug, ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qarax ah oo ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Tiidda ee Muqdisho la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, waxayna halkaas ku dileen hal askari, halka sidoo kalena ku dhaawaceen laba askari oo kale.