Shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waaberiistay maqalka deryanka qaybaha kala duwan ee hubka culus iyo jabaqda rassaas oo ay is-waydaarsanayeen maleeshiyaad kala taabacsan Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkani uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Baardheere, halkaas oo ay weerareen maleeshiyaadka Kooxda Riddada Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha u xil-saaran degmada Baardheere kuwaas oo shalay lagala wareegay gacan ku heynta xarunta maamulka degmada.
Dagaallo saacado badan qaatay ayaa dhinacyada ay ku dhaxmaray xarumaha maamulka degmada iyo saldhigga boolisiska, waxay dagaalladu qaateen muddo ka badan 3 saacadood, waxaanu sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo kala gaaray maleeshiyaadka dagaallamaya. saraakiil ciidan iyo weliba mas’uuliyiin kasoo kala jeeday labada dhinac.
Wararka ayaa intaas ku daraya in murtadiinta dagaalkaasi saaka ku naf-waayay uu ka mid ahaa uu ka mid ahaa murtad Caagane oo dhawaan ay kooxda Riddada ee Xasan Gurguurte u magacawday guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Baardheere.
Saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka daacadda u ah Xasan Gurguurte ayaa sheegay in iyagu ay lahaayeen weerarka saaka xoogna kula wareegeen xarumihii degmada Baardheere ee shalay uu ka qabsaday maamulka ashahaadda la dirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland.
Aadan Sheekh Cali oo ka mida saraakiisha maleeshiyaadka Gurguurte ee hoggaaminayay dagaalkaasi ayaa sheegay in ay xoog ay ku qabsadeen degmada Baardheere, balse weli dagaalku aanu dhammaan oo ay xabbadu socoto isla markaana khasaare uu jiro marka uu waraysigu bixinayay.
Sidoo kale sarkaalkani wuxuu ka dhawaajiyey in ay jiraan rag ay gacanta ku dhigeen iyo weliba khasaare soo kala gaaray labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawacba leh, isagoo xaalad dagaal ku sifeeyey jawiga degmada Baardheere.
Dhinaca kale maamulka la baxay Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaalkan culus ee saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere, wuxuu caddeeyay in dagaal dhacay, waxayna masuuliyadda dagaalka dhacay dusha u saariyeen kooxda Riddada Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale uu jiro khasaare xooggan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee saaka lagu kor dagaallamay. Iyadoo qaybo badan oo ka mida xaafadaha degmada Baardheere ay ka bilawdeen barakac xooggan.
Goob joogayaal ku sugan Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacyada hardamaya aysan unixin shacabka oo ay madaafiic iyo rasaas culus ku beegsadeen waddooyinka iyo dhismooyinka caanka ah.
Dagaalkan ayaa bilawday kadib markii bil iyo dheeraad ka hor lagusoo kala baxay dagaalkii ka qarxay deggaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose oo kooxda Axmed-madoobe ay ugu awood-sheegatay Xasan Gurguurte, sidoo kale maamulka Riddada Jubbaland oo ay kaabayaan ciidanka Itoobiya ayaa horay ula wareegay degmada Dooloow ee isla gobolka Gedo.