Dagaallo cukus oo lagu jabiyey maleeshiyaadka Riddada ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay ka dhaceen duleedka magaalada Ceelbaraf ee wilaayada Sh/dhexe waxaana dagaaladaasi ku dhintay 6 askari oo murtadiin ah, 4 kalana waa lagu dhaawacay.
Dhanka kale ilaa laba qarax ayaa maleeshiyaadka Ridada ah galabta lagula eegtay duleedka Ceelbaraf, mid kamid ah qaraxyadaasi waxaa lagu gubay gaari Cabdi bile ah, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday siddeed askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, waxaa korortay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee murtadiinta lagu gaarsiiyay kamiinkii ka dhacay duleedka degmada Xudur ee wilaayada Bakool, waxayna dhimashadu gaartay 8 murtad oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray, Cadow Xaaji oo ahaa taliye horin, Madsan Kuusow oo ahaa taliye urur iyo sarkaal lagu magacabai jiray Cadow Aadan Same, halka lagu dhaawacay 15 murtad oo saraakiil ay ku jirto, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu gubeen gaari Cabdi bile ah oo qori Dhashiika ah saarnaa.