Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa maalintii labaad ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya maleeshiyaat ka kala amar qaata saciid dani iyo maxamuud diyaana.
Dagaalka maalintii labaad socda ayey labada dhinac isku adeegsanayaan hubka culus, Waxaana magaalada ka socda barakac xoogan oo dadka deegaanka sameynayaan.
Maleeshiyaatka saciid dani ayaa dagaalkii shalay looga itaal roonaaday iyagoona laga qabsaday gaadiid dagaal iyo xaruma muhiim ah.
Labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada boosaaso waxaa si xiriir ah usoo gaaraya gurmadyo kala duwan, Iyadoona ay jirto khasaara labada dhinaca iyo shacabka soo kala gaartay.
Calamada.com