Dagaal aad u xoogan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka qarxay deegaanka Baxdo ee gobolka Galgadud kadib markii dagaalyahanada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar ku qaadeen saldhigga maleeshiyaatka maamulka Galmudug ku leeyihiin deegaankaasi.
Sarkaal u hadlay Mujaahidiinta ayaa sheegay in Mujaahidiinta ay weerar ka hortag ah ku qaadeen maleeshiyaat lagu abaabulayey deegaanka, islamarkaana halkaas uu ka dhacay dagaal aad u xoogan, kaas oo bilawday salaadii subax kadib.
“Dagaalka ka dhacay Baxdo waxaan ku dilnay 27 ka mid ah maleeshiyadii lagu abaabulayey deegaanka oo ay ku jiraan madaxyo weyntii hor kacayey abaabulkaas, howlgalku markii uu soo idlaadayna ciidankeenu waxay dib ugu soo noqdeen goobihii ay ka duullaan tageen” ayuu yiri sarkaal u hadlay Xarakada.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhanka kale sheegtay in dagaalka looga dilay 9 dagaalyahan. ” Waxaa uu Allaah naga doortay 9 Mujaahid oo nooga shahiiday dagaalka, Waxaan Allah uga baryaynaa inuu Shahaadadooda ka aqbalo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalkan.
Waa markii labaad oo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar abaabulan ku qaado deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin maleeshiyaatka maamulka Galmudug, waxaana xusid mudan in Bishii Janaayo ee sanadkan ay Xarakadu sidan oo kale weerar xoogan ku qaaday deegaanka, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Al-Shabaab ayaa horay u soo qabsatay deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo ku yaallla hareeraha deegaanka Baxdo, kuwaas oo ay ku jirto tuulada Cadakibir oo bilooyin kahor kusoo dhacday gacanta Xarakada.