Gelinkii dambe ee maanta waxaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta u ah gobolka Sanaag ka qarxay dagaal u dhaxeeya maleeshiyo kala taabacsan maamullada ashahaada la dirirka ah ee lagu kala magacaabo Somaliland iyo SSC-khaatumo.
Dagaalka ayaa si gaar a waxa uu u dhexmaray maleeshiyada waxay ugu yeeraan Booliska maamulka uu fadhigiisu yahay Hargaysa iyo maleeshiyo taabacsan maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood.
Iska hor’imaadka ayaa lasoo wariyay in uu ku faafay oo maleeshiyada isla galeen xaafadaha magaalada Ceerigaabo, jabaqda rassaasra iyo deryanka hubka culus ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaa laga maqlayay gudaha magaalada.
Muuqaal kooban oo baraha bulshada ku faafay ayaa muujinaayay guri uu ku habsaday hoobiye ka mid ahaa hubkii culus ee la isku adeegsanayay dagaalka, inkastoo aysan ka dhalan khasaare nafeed marka laga soo tago burbur uu gaystay.
Khasaare kala duwan in uu jiro ayaa lasoo wariyay wallow aan faahfaahin rasmi ah laga helin, dagaalkani ayaa daba socda iska hor’imaadyo horay uga dhacay Ceerigaabo oo u dhaxeeyay maleeshiyada labada maamul ee kala fadhiya Hargaysa iyo Laascaanood.