Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka billowday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo is haystay labada qayb ee ay ka kooban tahay magaaladaasi.
Dagaalka oo ahaa mid ay hurinayeen maamullada ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo Galmudug, ayaa kasoo billowday waqooyiga Gaalkacyo, waxay na dhinacyadu isla soo galeen goor dambe qaybta koonfureed ee magaalada.
Maleeshiyada ku dagaallamayay magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo wayn ayaa adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, dhawaqa hubkan ayaa si wayn looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Gaalkacyo oo loo soo rararay dagaal beeleedyada ay maamullada ashahaada la dirirka ah ka hurinayeen miyiga gobolka Mudug.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegaya in dagaalkii xalay ka dhacay Gaalkacyo ee kasoo billowday waqooyiga magaalada Gaalkacyo uu gaaray dhanka koonfur, mid ka mid ah maleeshiyada dagaallamaya ayaa weeraray saldhig booliis oo ay leeyihiin maleeshiyada maamul goboleedka ashahada la dirirka Galmudug oo kuyaal Koonfurta magaalada.
Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyay in labada maleeshiyo ee dagaallamay uu kasoo kala gaaray dagaalka, sida ay sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.
Dagaalkan xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa daba socda dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Mudug, una dhaxeeyay beelo walaalo ah, isla markaana ay hubka isugu dhiibeen maamulladda kala ah Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaallada qaar lasoo wariyay inay ka qayb qaadanayeen maleeshiyaadka labada maamul oo sii hurinayay colaadda beelaha walaalaha ah.
Waxay tani u muuqataa mid maamullada ashahaada la dirirka ah ee gaaladu ka dhisatay gbollada dalka ay magaalooyinka ugu soo rarayaan dagaallada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah, 9 cisho ka hor ayay ahayd markii dagaallo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah, isla markaana ay hurinayeen maamullada Riddada ah ay ka dhaceen inta u dhaxaysa degaannada Jiicboor iyo saax-qurun ee galbeedka Mudug, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 15 ruux, halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.