Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen difaacyada shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Qeybta hore ee dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay difaacyada maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen gudaha degmada Qoryooley balse dagaalka markii muddo kooban uu socday ayeey maleeshiyaatka dowlada federaalka gabi ahaan isaga carareen difaacyada kuwaasi oo u baxsaday difaacyada ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee duleedka degmada Qoryooley.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo gudaha u galay degmada Qoryooley ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday difaacyada shisheeyaha ee duleedka degmadaasi,lamana xaqiijin khasaaraha Kufaarta iyo Murtadiinta kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay gudaha iyo duleedka Qoryooley.
Calamada.com