Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa federaalka ayaa xalay ka dhacay deegaan hoostaga degmada afgooye ee wilaayada shabeelada hoose.
Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Sabiid, Waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee deegaankaas.
Wararka la helaya waxey xaqiijinayaan in dagaalkaas lagu dilay hal askari oo murtad ah laguna dhaawacay labo askari oo isla maleeshiyaatka federaalka ah.
Dagaalkan xalay ka dhacay ka dhacay deegaanka sabiid waxa uu kusoo aadayaa xilli Mujaahidiintu sidoo kale xalay dagaallo culus ku qaadeen saldhiga murtadiinta ee buundada labaad ee degmada Jannaale iyo midka kufaarta kenya ee deegaanka Taabto ee wilaayaatka Jubbooyinka iyo shabeelada hoose.
Calamada.com