Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada mujaahidiinta iyo kuwa maamul gobaleedka la magac baxay koonfur galbeed ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada baydhabo ee wilaayada Baay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka ridada ee xaafada nuuriya gub ee magaalada Baydhabo, Waxaa dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafadaha magaaladaas.
Dagaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli magaalada baydhabo ay ku suganyihiin madaxda murtadiinta oo ay ugu horeeyaan r/wasaaraha ridada murtad rooble iyo qaar ka mid ah madaxda maamul gobaleedyada ashahaado la diriryada ah.
Dagaalkan xalay ka dhacay gudaha baydhabo ayaa cabsi ku abuuray madaxda murtadiinta ee xilliga dagaalka ku sugneed gudaha baydhabo, Waxaa xusid mudan in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay askarta koonfur galbeed xireen wadooyinka magaalada hakadna galiyeen isu socodka gaadiidka dadweynaha.
Calamada.com