Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay deegaankaasi ka dhacay dagaal culus.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen deegaankaasi.
Dagaalka waxaa la isku la adeegsaday hubka culus iyo midka fudud kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in dagaalkan uu ka mid noqonayo dagaaladii ugu cuslaay ee ka dhacay Halgan tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen askarta Xabashida Itoobiya.
Ciidamada Amxaarada ayaa dagaalka markii uu soo gaba gaboobay waxey saacad ku dhaw madaafiic ku garaacayeen howdka deegaanka Halgan taasi oo muujineysa iney jirto khasaara culus oo Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Calamada.com