Wararka ka imaanaya wilaayada galgaduud ee dhacda bartamaha dalka soomaaliya waxey sheegayaan in deegaan ka tirsan gobalkaas uu ka dhacay dagaal culus.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen bar contarool maleeshiyaatka ridada galmudug kaga suganyihiin deegaanka godinlabe oo ah deegaan hoostaga degmada cadaado.
Shabaabul Mujaahidiin waxey gabi ahaan cagta mariyeen barta koontarool iyadoona maleeshiyaatka ridada galmudug ay isaga carareen goobtaas.
Warar hoose waxey sheegayaan iney jirta khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca ah ee galmudug lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Dhanka kale ciidamada Shabaabul mujaahidiin waxey xalay cagta bariyeen koontaroolka hirshabeelle ee gudaha degmada balcad ee wilaayada shabeelada dhexe.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey soo ganiimeysteen agabyo ciidan oo maleeshiyaatka ridada hirshabeelle kaga carareen koontaroolka xalay dagaalka ka dhacay ee ku yaala gudaha degmada Balcad.
Dagaaladan waxey kusoo aadayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay weeraro moota lagu ganiimeystay dhimasho iyo dhaawacna ay ku noqdeen tiro askar murtadiin ah ka kala dhaceen deegaano ka kala tirsan wilaayaatka baay,jubbooyinka iyo shabeelada hoose.
Calamada.com