Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Jabhadda Fano iyo ciidanka dawladda saliibiyada Xabashida Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay magaallada Debre Tabor ee koonfurta Gonder ee ismaamulka Axmaarada ee dalka Itoobiya.
Ilo deggaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo saacado badan ka socday magaallada iyo nawaaxigeeda.
Maleeshiyaadka Fano ayaa weerarka qaaday kadib markii ay ka war-heleen dhaqdhaqaayo ay bilaabeen qaybo ka mida ciidanka dawladda oo magaalladaasi uga baxay dhinaca magaallada Cebnaat.
Jihooyin kala duwan oo magaallada ah ayay maleeshiyaadka Fano weerarka kasoo qaadeen. Waxaanay sheegteen in uu jiro khasaare xooggan oo ay gaarsiiyeen ciidanka dawladda saliibiyada ee Xabashida Itoobiya.
Dhinaca maamulka Abiy Axmed, sidii caadada u ahayd kama aanay hadal dagaalladan, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijiyey khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.
Colaadaha iyo dagaallada sii laba-laxaadsanaya ee ka holcaya gudaha Itoobiya ayaa haatan xarkaha goostay, waxaana muddooyinkan dambe aad loo hadal-hayey dagaallo dib uga soo curta gobolka Tigreyga, halkaas oo jabhadda TPLF ay ka waddo abaabul xooggan oo ka dhan ah maamulka Abiy Axmed.