Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmadaasi lagu dilay tiro dad shacab ah oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmadaasi.
Maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Somaliland ayaa la xaqiijiyay in duleedka degmadaasi si bareer ah ugu dileen labo ruux shacab ah oo la socday gaari Booyad ah.
Lama xaqiijin karo sababta rasmiga ah ee maleeshiyaatka Somaliland u dileen labadaasi shacabka ah’iyadoona dilkaasi ay si aad ah uga caroodeen shacabka degmadaasi.
Dhanka kale maleeshiyaatka gaala raaca Somaliland ayaa tiro dad shacab ah oo laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga ku wareejiyay sirdoonka Itoobiya kuwaasi oo ay ka qabteen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.
Calamada.com