Inta la hubiyay ugu yaraan sagaal qof oo rayid ah ayaa lagu dilay deegaanka Arsi ee ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, dhacdadan ayaana lagu tilmaamay xasuuqii ugu dambeeyay ee ka dhaca ismaamulkaasi.
Dil wadareedkan ayaa lasoo wariyay in loo gaystay dad shacab isku qoys ah, waxaana dhacdadaasi warbaahinta gudaha Itoobiya u xaqiijiyay xisbiga Enat, oo ah xisbi siyaasadeed mucaarad ah.
Weerarka ayaa si gaar ah aagga degmada Sherka, gaar ahaanna deegaanada Sool Ferenda iyo Sool Tuja 28-ka bishii ina dhaaftay ee Noovambar, waxaana dilka kaddib la helay maydadka dadka rayidka ah.
Dadka deegaanka ayaa dilalkan ka dhanka ah dadka rayidka ah ku eedeeyay Jungle Shene oo ah jabhad ka dhisan ismaamulka Oromia, waxaa sidoo kale kooxdan lagu eedeeyay inay afduub kula kacday dad rayid, kuwaas oo ay ka kaxaysay guryahooda.
Waa qayb ka mid ah xasuuqyada ay ku kacayaan jabhada kala duwan ee ka howlgala gudaha ismaamulka Oromia iyo dowladda Itoobiya, dadka rayidka ah ayaa sheegay in xasuuqyada ay si isku mid ah u gaysanayaan dhinacyada isku haya, waxayna badi dhinacyadu si gaar ah u beegsadaan dadka muslimiinta ah.