Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa caawa baahiyay muuqaal cusub oo lagu soo bandhigayo weerarkii ciidamada mujaahidiintu ku ekeeyeen maleeshiyadii murtadiinta ee ku sugnaa degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo mujaahidiintu gacanta ku dhigeen kana eryadeen maleeshiyadii Riddada ee ku sugnaa.
Muuqaalka oo la daawan karo mudo ku dhow shan daqiiqo ayaa sawir dhab ah ka bixinaya wixii dhowaan ka dhacay degmada Balcad oo ahaa in mujaahidiintu cagta mariyeen saldhigyadii ciidan ee murtadiintu kulahaayeen degmada, sidoo kalena dadka shacabka ah ay farxad iyo reenrayn kusoo dhaweeyeen ciidamada mujaahidiinta.