Channelka wararka ee Al-kataa’ib ayaa barqanimadii maanta baahiyay muuqaal cusub oo uu kusoo bandhigayo dagaal culus oo ciidamada mujaahidiintu kala hortageen maleeshiyaad murtadiin ah oo duullaan kusoo ahaa deegaannada shareecada islaamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Waniinle ee bariga wilaayada Galguduud.
Muuqaalkan oo ah mid kooban ayaa soo bandhigaya qaabka uu u dhacay weerarkan ka hortagga ah ee ay mujaahidiintu ku xasuuqeen maleeshiyaadka murtad Xassan Gurguurte, waxaa xusid mudan in dagaalkan Allaah fadligiis lagu dilay in ka badan 27 murtad, halka lagu dhaawacay 38 kale, sidoo kale waxay mujaahidiintu kusoo qaniimaysteen hub iyo rassaas farabadan.