Ciidamada saliibiyiinta Uganda ee duullaanka ku jooga degmada Buulo-mareer ee Sh/hoose, ayaa si bareer ah u dilay dhalinyaro beerallay ah, ilaa sadex wiil oo dhalinyaro ah inay dileen ayay dadka deegaanku sheegeen, kuwaas oo mid ka mid ah la oran jiray cabdiraxiin.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada saliibiyiintu ay si xun u dhaawaceen nin oday ah, kaas oo dhaawaciisa loola cararay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Xasuuqan ayay ciidamada saliibiyiintu ka geysteen dhul beereed kaabiga ku haya dgemada Buula Mareer, halkaas oo ay ugu tageen dhalinayarada beerallayda ah kaddibna si xun u dilay.
Dibad baxyo ka dhan ah xasuuqa ay ciidanka kuffaarta Yugaandha geysteen ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Buula-mareer, boqolaal qof oo shacab ah oo iskusoo baxyo dhigayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah saliibiyiinta Uganda.