Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka oo Khamiis ah weeraro xasmin ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ay ku leeyihiin deegaannada kala Ceel-Cali-Axmed, Daarunicma, iyo deegaanka Cali-Fooldheere oo ka tirsan wilaayada Sh/dhexe.
Weerarada millatari oo ah kuwa si aad ah loo qorsheeyay ayaa Allah fadligiis cagta lagu mariyay saddexda saldhig ee kuyaal wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, saraakiisha ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Al-andalus waxa ay xaqiijiyeen in weeraradu u socdaan sidii loogu talagalay.
Wixii soo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonnaa insha’Allaah.