Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaannada kala ah Ceel-baraf iyo Caadley oo ka mid ah deegaannada Sh/dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu gudaha u galeen labadan deegaan iyadoo aysan dhicin wax dagaal ah, maleeshiyadii murtadiinta oo baqa carar ah ayaana isaga cararay deegaannadan, kaddib markii ciidamada mujaahidiintu ay cagta mariyeen oo la wareegeen saldhigyo dhowr ah oo maleeshiyo murtadiin ah ku lahaayeen ilaa 4 deegaan oo ka tirsan Sh/dhexe, dhagtana dhiigga u dareen maleeshiyadii ku sugnaa.
La wareegitaanka ciidamada mujaahidiinta ee Ceel-baraf iyo Caadley waxay ka dhigan tahay deegaammadii shanaad iyo lixaad oo si rasmi ah maanta oo kaliya ugu soo dhacay gacanta ciidanka mujaahidiinta, deegaannada kale ee soo galay gacanta Shabaabul Mujaahidiin waxaa ka mid ah Al-kowthar, Ceel Cali Axmed, Daaru-nicma iyo Cali Fool-dheere.