Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la eegteen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya ah oo ka baxay xerada buurta Koomoole kuna sii jeeday dhanka magaalada Kiyunga ee gobolka Laamu.
Qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay gaari Kooyal ah goobta ayuuna ku burburay, waxaa halkaas dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii kuffaarta Kenya ee la socotay gaarigaas, waxaa xusid mudan in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku degteen laba diyaaradood oo Helicopter ah, kuwaas oo goobta ka daabulay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee la gaarsiiyay ciidanka saliibiyiinta Kenya.
Dhanka Hiiraan, waxay ciidamada mujaahidiintu goordhow weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig maleeshiyaad murtadiin ah ay ku leeyihiin inta u dhaxaysa degmada Buulo-burte iyo deegaanka Beera-yabaal, khasaare gaaray maleeshiyada Riddada ayaa jira.
Dhanka Baay, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada gobolkaasi weerar culus oo dagaal toos ah ku qaadeen xero ciidan oo kuffaatya xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.