Wararka Laga helayo degmada Ceelwaaq ee Wilaayada Gedo ayaa sheegaya in xalay gacan ku heynta degmadasi ay la wareegeen ciidamada Mujaahidinta kadib dagaal ay ku qaadeen xarumaha maleeshiyaadka Murtadiinta ay kuleeyihin degmadasi
Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray magaalada, waxaana maleeshiyaadka Ridada iyaga oo aan wax badan dagaalamin isaga firxadeen difaacyadooda taas oo u suurtagelisay Mujaahidinta in ay kula wareegaan guud ahaan gacan kuheynta Ceelwaaq.
Shacabka kudhaqan degmada Ceelwaaq ayaa xalay Wadooyinka degmadaasi ku arkayay ciidamada Mujaahidinta oo ku roondeynaya kadib markii ay baacsadeen mooryaanta ridada ee dhibaatooyinka ka geysan jira gudaha degmadasi
Saacado badan oo xiriir ah oo ciidamada Mujaahidinta ay ku sugnaayeen Ceelwaaq ayay dib kaga soo gurteen kadib markii la xaqiijiyay hadafkii weerarka.