Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe, waxay maanta la wareegeen gacan ku haynta deegaanka War-Ciise ee hoostaga degmada Jowhar, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Riddada.
Deegaanka Warciise ciidamada mujaahiintu la wareegeen gacan ku hayntiisa, ayaa qiyaastii 25km u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, waxaana deegaan muhiim ah.
La wareegitaanka deegaankan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Sh/dhexe ay toddobaadyadii u dambeeyay qabsadeen deegaanno ka tirsan Sh/dhexe, waxaana ugu dambeeyay Boos-hareeri oo dhaca duleedka degmada Aadan-yabaal.