Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe ayaa goordhow gudaha u galay oo la wareegay deegaanka Al-kowthar ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta.
Deegaankan ayaa gacanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin soo galay kaddib markii ay isaga carareen maleeshiyada murtadiinta, waxaana deegaanka laga qotomiyay raayada Rasuulka Allaah SCW.
La wareegitaanka ciidamada mujaahidiinta ee deegaanka Al-kowthar ayaa yimid ka gadaal markii dagaallo culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ay maanta ka dhaceen duleedka deegaanka Boos-hareeri ee dhaca duleedka degmada Aadan-yabaal ee wilaayada Sh/dhexe.