Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in ciidamada dowlada Ridada Jabuuti si bareer ah degmadaasi ugu rasaaseeyeen dad shacab ah.
Ciidamada Jabuuti ayaa rasaas ooda uga qaaday Labo wiil oo walaalo ah oo Mooto saarnaay kuwaasi oo ku siijeeday Beer ku taala duleedka degmadaasi.
Rasaasta ayaa sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca mid kale oo ah labadii walaalaha ahaa ee Mootada la socotay.
Dadka shacabka ee ku dhaqan degmada oo rasaasta maqlay islamarkaana ka warhayay in wiilasha Mootada la socday ay goobta mareen ayaa durba u cararay halka ay rasaasta ka dhacday.
Dadka Shacabka ayaa goobta ugu tagay meydka hal ruux iyo dhaawaca mid kale balse intii ay ku guda jireen iney qaadaan meydka iyo dhaawaca ayeey markale ciidamada Jabuuti rasaas ku fureen dadkii halkaasi isugu yimid.
Rasaasta labaad ayaa sababtay dhaawaca saddex ruux taasi oo dhaawaca guud ka dhigtay Afar ruux oo shacab ah iyo dhimashada hal ruux oo shacab ah.
Dhacdadaan ayaa qeyb ka noqoneysa dhibaatooyin naxdin leh oo dhowr jeer sidan oo kale ciidamada Jabuuti ay ka geysteen gudaha degmada Jalalaqsi oo ka mid ah goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin gobalka Hiiraan.
Calamada.com