Ciidamo ka tirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay maanta iska caabin xoog leh kala hor tageen duullaan qar iska xoornnimo ah oo maleeshiyaadka dowladda Ridada kusoo qaadeen deegaan ka tirsan wilaayada Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalka oo duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Cowmaad ee hoos taga degmada Matabaan ee wilaayada Hiiraan waxaa soo qaaday maleeshiyaad murtadiin ah, balse waxay la kulmeen weerar lagu dabar gooyay oo kaga yimid dhanka jabadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan.
Dagaal qaatay in muddo ah ka dib, waxay ciidamada jabhadda Mujaahidiinta ku jabiyeen cadowgii kusoo xadgudbay deegaanka Cowmaad oo ka mid ah deegaannada Nabdoon ee lagu maamulo shareecada islaamka.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen in ciidamada dowladda khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaallada ayna goobta dagaalka kaga carareen bakhtiyada 7 askari oo murtadiin ah sida ay baahisay Idaacadda Al-andalus.
Ilo wareedyadu waxay intaas ku darayaan in dagaalladan maanta sida xun loogu jabiyay ciidamada dowladda sidoo kale lagu soo ghaniimeystay 4 qori oo kala ah 1-BKM ah iyo 3- AK47 ah.
Duullaankan fashilmay ee ciidamada dowladda federaalka kusoo qaadeen deegaanka Cowmaad ee dhaca wialayada Hiiraan waxa uu kusoo beegmayaa xilli isla maanta qarax culus maleeshiyo ka tirsan dowladda lagula eegtay deegaanka Cowmaad halkaas oo ay ku dhinteen 2 askari kuna dhaawacmeen 3 kale.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com