Howlgal qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada Baardheere ee wilaayada Gedo waxey ku dileen labo askari oo ka tirsanaa maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Labada murtad ee howlgalka ka dhacay baardheere lagu dilay waxaa lagu kala magacaabi jiray ismaaciil yare iyo cali jeeri.
Ciidamada Mujaahidiinta ee weerarka fuliyay ayaa horay usii qaniimeystay Labadii qori ee ay ku hubeysnaayeen labadaas askari kuwaasi oo ah noocyada loo yaqaana AK47.
Howlgalkan ka dhacay Baardheere waxa uu kusoo aadayaa xilli shalay qarax ka dhacay wadada isku xirta deegaanka kaxda iyo xaafada xoosh ee magaalada Muqdisho lagu dilay Ahmed Xasan Ganey oo ahaa gudoomiye ku xigeenka waaxda Shanaad ee deegaanka kaxda, Sidoo kale waxaa qaraxaas ku dhintay 2 askari oo ilaaladiisa aheed gaarigii uu watayna qaraxa ayaa lagu burburiyay.
Calamada.com