Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa dagaallo culus oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab xalay ku qaadeen labo xero oo maleeshiyaatka maamulka koonfur galbeed ay ku leeyihiin gudaha magaalada baydhabo.
Xeryaha Cabdi Shire iyo Bokriyiya ee gudaha baydhabo ayey xalay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro culus ku qaadeen waxeyna mujaahidiintu gudaha u galeen labadaas xiro.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiintu waxey dagaaladaan ku dileen saddex askari oo ah maleeshiyaatka ridada koonfur galbeed waxeyna soo ganiimeysteen hub iyo agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.
Weeraradan culus ee xalay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada baydhabo waxey kusoo aadayaan xilli sidoo kale xalay Shabaabul Mujaahidiin dagaallo culus oo saf ah ku qaadeen saldhigyada kufaarta afrikaanta iyo kuwa ridada ee degmooyinka buulo mareer iyo jannaale ee wilaayada shabeelada hoose.
Calamada.com