Boqollaal dadweyne shacab ah oo dagan Carwadii hore ee Teleex ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay isku soo baxay uga soo horjeedaan in dhulka ay dagan yihiin dadkaasi uu boobayo Xasan Gurguurte madaxa kooxda ridada Soomaaliya.
Dadkaan ayaa waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah Xasan Gurguurte, waxayna sheegeen in dhulkaan oo ay daganaayeen muddo sanado ah uu doonayo uu ka gato Ganacsato, iyagana laga barakaciyo.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa isootarayey dadka shacabka ah ee Xasan Gurguurte oo ka boobayey dhulalka ay dagan yihiin ee ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u badan dad barakacayaal ah oo dadyar oo muddo sanado badan daganaa dhulalkaasi.
Xasan Gurguurte ayaa dhulal badan oo ku yaalla Muqdisho oo dad shacab ah laga barakaciyey ka iibsaday Ganacsato, wuxuuna hadda usii halqal taagayaa inuu boobo dhulal kale oo horleh.