Wararka naga soo gaaraya naxawiga Dabakaayo Madow ee degmada Dharkinley ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho kudileen askari katirsanaa maleeshiyaadka kooxda ridada.
Dad goobjooge yaal ah ayaa soo sheegaya in raga dilka geystay ay horey usii qaateen qori nooca AK47 oo uu watay askariga toogashada lagu dilay iyo booshashkiisii.
Dilalka gaarka ah ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu ugaarsanayo maleeshiyaadka iyo saraakiishooda.
Xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan faraha kabaxday xili sedexdii todobaad ee lasoo dhaafay ay magaalada kawadeen maleeshiyaadka howlgal ay ugu magac dareen “Xasilinta Muqdisho” kaas oo siweyn loogu dhibaateynayay qeybaha bulshada muslimiinta ah ee kudhaqan degmooyinka Muqdisho.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com