Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Hiiraan ee dhacda bartamaha Soomaaliya, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorshaysan ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kaasi oo ay ku khaarajiyeen askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada.
Howlgalka qorsheysan ayaa si gaar ah kaga dhacay xaafadda Nuur-xawaad ee Beledweyne, waxaana Allaah fadligiis lagu khaarajiyay Carabeey oo ka tirsanaa maleeshiyada murtadiita, waxayna mujaahidiintu ka qaniimeysteen qori AK47 ah oo uu ku hubeysnaa askarigaas.
Dhanka kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo lagu dilay askari murtad ah, halka lagu dhaawacay lix askari oo kale laguna gubay gaari Cabdibile ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Masagawaay laga helay waxay xaqiijinayaan in mid ka mid ah lixda askari ee lagu dhaawacay qaraxan barakaysan uu u dhintay dhaawaca soo gaaray, waxayna sidaas dhimashada murtadiinta ee qaraxa ku noqotay laba askari, halka dhaawacana uu yahay shan kale.