Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha shisheeyaha lagu gaarsiiyay duqeyn saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen saldhiga kufaarta afrikaanta ee deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada muqdisho.
Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaas lagu dilay (4)afar askari oo kufaarta ugandha ah waxaana lagu dhaawacay (3)saddex askari oo isla yugandheyska ah.
Sidoo kale waxaa duqeyntaan ku gubtay saddex teendha oo shisheeyaha uga dhisnaa gudaha saldhiga waxaana gabi ahaan basbeelay teendhooyinkaas iyo waxii ku dhex jiray.
Duqeyntan baqtiga iyo dhaawaca ay ku noqdeen askarta Yugandheyska waxey kusoo aadeysaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee shabeelada dhexe baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen shan askari oo burundeys ah.
Calamada.com