Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan askarta shisheeyaha kuwaasi oo ku socdaalayay deegaanka Buufow ee wilaayada shabeelada hoose.
Qaraxa waxa uu sababay khasaara kala duwan oo soo gaartay askarta kufaarta afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugandha.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku baqtiyay saddex askari oo Yugandheys ah waxaana ku dhaawacmay labo askari oo isla ciidanka Yugandha ah.
Qaraxa lagu dilay askarta yugandheyska ah ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax iyo kamiin ka dhacay duleedka degmada Dhuusa mareeb ee wilaayada Galgaduud ay baqti iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad 30 isugu jirta saraakiil iyo askar ridada ka tirsan.
Calamada.com