Khasaare laxaad leh ayaa maleeshiyaadka maamulka Ridada ee la magac baxay Koonfur galbeed kasoo gaaray weerar xoog leh oo lagula beegsaday deegaan ka tirsan wilaayada Bay Iyo Bakool.
Weerarka oo ahaa Kammiin (Jidgal ah) ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool waxayna Mujaahidiintu u dhigeen askar ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, wararkii ugu dambeeyayna waxay xaqiijinayaan dhimashadu ay tahay 4 akari oo murtadiin ah.
Sidoo kale waxay ciidamada Mujaahidiintu howlgalkan kusoo furteen 2 qori iyo booshaashkooda kuwaas oo ay ka carareen maleeshiyaadka weerarka la kulmay.
Weerarkan ayaa kuso beegmaya wakhti saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu weerareen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Baarsanguuni ee wilaayada Jubbooyinka, dagaalkaas oo lagu dilay 1 askari oo murtad ah laguna dhaawacay mid kale.
Calamada.com